Kooxda Atletico Madrid ayaa weli diidan in Arsenal si sahal ah ku helaan qadkooda dhexe ee Thomas Party kaasi oo ay kooxdaas reer Ingiriis muddo baacsaneyso .
Atletico ayaa la xusayaa in Arsenal ay ku war giliyeen in aysan waqtiga iska lumin haddii aysan miiska saari karin aduun dhan 45 milyan oo euro , waxa ayna dadka suuqa turxaan bixiya ku tilmaameen arintaan mid kooxda La Ligaha ku doonayaan in Arsenal kaga hor istaagaan isku daygooda saxiixa Party .
Wiilkaas reer Ghana ayaa la xusayaa in hishiiskiisa Atletico uu weli ka harsan yahay muddo sedex sano ah waliba uu diyaar u yahay dhankiisa in uu soo sameeyo tijaabo cusub oo ka baxsan La Ligaha .
Warar kale ayaa tilmaamaya in Arsenal ka fikirayaan in hishiiska Party ku soo daraan xiddigooda Lucas Torreira si ay u fudadaato in ay la soo wareegaan Party .
Torreira ayaa weli Arsenal wax kulan ah u safan xilli ciyaareedkaan waxaana suura gal ah in uu baxo inta suuqa xagaaga uu furan yahay

Source: Laacibfm.com