Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qarka u saarantahay dhamaystirka heshiiska ay kula soo saxiixanayso daafaca kooxda Monaco Benoit Badiashile bisha Janaayo.

Blues  oo lumisay Andreas Christensen iyo Antonio Rudiger xagaagii – ayaa la fahamsan yahay in ay 21-sano jirku u aqoonsadeen bartilmaameedkooda difaaca ee bartamaha xilli ciyaareedka ka dib markii ay qaboojiyeen xiisahooda RB Leipzig Josko Gvardiol.

Gvardiol ayaa markii hore loo maleynayay inuu ahaa midka ugu sareeya liiska  Blues, wiilkaan Momaco  ayay u arkaan bedel ka jaban.

Daafacaa aya qandaraaskiisa Monaco waxa uu dhacyaa xagaaga 2024,  sidaa darteed kooxdiisa wax aay haatan diyaar u tahay in ayb ka faa`ideystaan qiimaha uu suuqa ka joogo.

Manchester United iyo Barcelona ayaa qeyb ka ahaa baacsiga Badiashile , laakiin sida uu qabo Fabrizio Romano, Chelsea ayaa dhawaan soo gabagabeyn doonta heshiiska.

Fabrizo waxa uu xaqiijiyay in Chelsea iyo laacibka ay gaaraan hishiisak shaqsiyadeed kaliyana ay harsan tahay in labada koox wada dhameystaan

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here