Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Neymar sida ay sheegayaan wararku.
Xilli United ay qarka u saaran tahay inay dib ugu soo laabato Champions League, Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa xagaaga.
Xiddigaha ay ka midka yihiin Harry Kane, Victor Osimhen iyo Dusan Vlahovic Ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta kooxda PSG si ay u hesho saxiixa Neymar suuqa xagaaga.
Laakiin wargayska Mailonline ayaa sheegaya in ayna wararkaas waxba ka jirin isla markaas ayna Man United wax xiiso ah u qabin saxiixa Neymar.
Mustaqbalka Neymar ee PSG ayaa ah hadal haynta suuqa kala iibsiga wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo xiddigu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Related



Source link