Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ayna u tartami doonin saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Joao Felix sanadka 2023.

Gunners ayaa dhawaan la sheegay in ay xiiseyneyso xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal, kaasoo si weyn loo filayo inuu ka tago Atletico Madrid marka la gaadho suuqa January.

Si kastaba ha ahaatee, saxafiga reer Talyaani Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in kooxda Mikel Arteta aysan ku jirin tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

“Arsenal xaqiiqdii uma dhaqaaqayo sababtoo ah waxa uu doonayaa in uu u ciyaaro Paris Saint-Germain, Atletico Madrid ma doonayso in ay iibiso waxana ay dalban doonaa 130 ilaa 140 milyan oo euro”.

“Dhammaan, ma jiraan kooxo badan oo awood u leh inay bixiyaan lacagta ay Atletico Madrid ku doonayso laakiin PSG ayaa awooda waxana ay xiiso u qabaan xiddiga si ay ugu buuxiyaan booska Mbappe ama Neymar midkood”.

Koocaha chelsea Iyo Manchester United ayaa sidoo kale si aad ah loola xiriirinayaa Felix iyada oo labada kooxood ee premier League doonayaan in ay ku xoojiyaan weerarkooda.

Agaasimaha guud ee Atletico Miguel Angel Gil Marin ayaa dhawaan sheegay in ay Atletico Madrid diyaar u tahay in ay iibiso xiddiga reer Portugal suuqa January.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here