Maxay Ahayd Sababtii Kursiga Madaxweynaha Barcelona Xalay Loogu Hor Dhejiyey Calaamadda Real Madrid?

Advertisements

Calaamadda kooxda Real Madrid ayaa xalay lagu hor dhejiyey kursiga uu ku fadhiyey Madaxweynaha Barcelona, Josep Maria Bartomeu, gudaha garoonka Camp Nou ee ay iska leedahay Barcelona.

Sawirro ay warbaahintu soo bandhigeen ayaa muujiyey Bartomeu ay hortiisa ku dhegsan yihiin calaamadda Real Madrid oo ay si weyn isku colaadiyaan.

Ma cadda cidda ku dhejisay iyo sababta loogu dhejiyey iyo sida loogu dhajinayay, hase yeeshee waxa kale oo su’aal la iska weydiiyey xilliga ay suurtogalka noqotay in garoonka oo amnigiisa la ilaaliyo lagu dhejiyo calaamaddaas.

Advertisements

Arrinta kale ee layaabka leh ayaa waxay tahay in calaamadda Real Madrid ay isla halkaas ku taaallay markii ay dhacaysay ciyaartii El Claisoc bishii December ee sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan oo Barcelona ay 5-0 ku badisay, waxa ay jamaahiirta kooxdaasi ku ooriyeen madaxweynahooda Bartomeu.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII