Kooxaha Arsenal iyo Man CIty ayaa galaya kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka premier legaue xilli ciyaareedkan.
Waxa soo dhamaanaya tartankii adkaa ee horyaalka labada kooxood u galeen ku guulaysiga horyaalka premier Legaue.
Man City ayaa 4 dhibcood ka horaysa kooxda Arsenal oo waliba ciyaartay hal kulan oo dheeraad ah marka loo eego kooxda Man City oo uu baaqi u yahay hal kulan.
Kooxda Man City ayaa leh 85 dhibcood oo ay ka heshay 35 kulan oo ay ciyaartay horyaalhalka premier League Halka ay Arsenal leedahay 81 dhibcood oo ay ka heshay 36 kulan oo ay ciyaarta.
Arsenal ayaa gaadhi karta 87 dhibcood hadii ay badiso Labada kulan ee u dhiman, sidaas darteed Man City ayaa u dhiman kaliya 3 dhibcood si ay ugu guulaysato horyaalka.
Gunners ayaa haatan u baahan in ay garaacdo kooxaha Nottingham Forest iyo Wolves labadeeda kulan ee ugu dambeeya isla markaas rajayno in ay Man City guuldaro la kulanto hal kulan 2-da kalena bar-barayso.
Related