Tababaraha kooxda Arsenal ee Arteta ayaa  qiray in guushii xalay ee Oxford  ee FA Cup-ka aheyd mid adag

Arsenal ayaa ku badisay 3 gool oo nadiif ah iyadoo kulankaas uu ka tirsanaa wareegga 32-aad ee FA Cup-ka

BBC Sport ayuu Arteta ka yiri ” mar waliba waa adag tahay in wareeggaan lagu badiyo , qasab ayay aheyd in aan dulqaad muujinno waan sameynay illaa aan helnay fursaddii munaasibka ku aheyd”

Waxa uu ammaan kala dul dhacay Fábio Vieira ” waa xiddig cajiib ah oo hal abuur ah , is badel weyn ayuu sameeyay , sidoo kale muhiim ayay aheyd in aan ciyaarsiiyo xiddigaha keydka , xiddig waliba sidaas ayaan ka rabaa , dhaawaca Saka-na ma aha wax weyn”

Mar la weydiiyay kulanka wareegga xiga ee ay Man City wajahayaan waxa uu Arteta yiri” arintaas diiradda ma saarayo”.

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here