Tababaraha kooxda Barcelona ee Koeman ayaa diiday in uu daaqadda ka saaro in xiddigiisa Ousmane Dembele uu ka huleelayo kooxda inta suuqa xagaaga uusan xermin

Man United aya aad loogu badinayaa in ay helayaan saxiixa laacibkaas waliba qaab amaah ah ayay ku qaadanayaan

“Isha ayaan ku hayaa Ousmane Dembele , waa in uu sugaa in uu ciyaaro balse tababarka si wacan ayuu u sameeyaa, kaliya waxa aan dhihi karo waxa ay tahay in aan il gaar ah ku hayo”

Ousmane Dembele waa uu ka soo kabsaday dhaawacii muruqa waxa uuna badal ku soo galay dhamadkii kulankii Villareal .

Hadalkaas tababaraha ayaa loo turjumay in Ousmane Dembele uusan boos uga banaaneen qalcadda Camp Nou

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here