Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaan wali furmin laakiin durba waxa jira dhaq-dhaqaaq suuqa kala iibsiga iyada oo ay xiddigo haatanba kooxo cusub ku biireen.
Horyaalka sucuudiga ayaa u muuqda mid noqon doona mid ay dhawaan isugu iman doonaan xiddigaha ugu waaweyn kubada cagta adduunka.
Iyada oo uu horayba u joogay Cristiano Ronaldo waxa shalay si Rasmi ah ugu biiray xiddigii hore ee Real Madrid ee Karim Benzema.
Horyaalka Saudi Pro League ayaa la filayaa in ay soo jiitaan xiddigaha ugu waaweyn kubada cagta.
Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Al-Hilal kuwaas oo xiddiga miiska u saaray dalab aad u sareeya.
Laakiin Messi ayaan noqon doonin xiddiga ugu dambeeya ee u dhaqaaqi kara kooxdaas iyada Wararka ka imanaya France ayaa sheegaya in Al-Hilal ay sidoo kale dalabyo ka gudbisay Sergio Busquets (34), Jordi Alba (34) iyo Marco Verratti (30) si ay ugu qanciyaan Messi mashruucooda.
Sida laga soo xigtay The Times, Kabtanka Tottenham Hugo Lloris, oo 36 jir ah, ayaa sidoo kale loo soo bandhigay mushahar saddex jibaar inta uu ka qaato kooxda Tottenham.
Sidoo kale xiddiga Roberto Firmino oo soo afjaray 8 sano oo uu joogay Liverpool ayaa sidoo kale dalab aad u sareeya ka helay koox ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Xiddigaha Luka Modric iyo Sergio Ramos ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga.
Firmino ayaan ahayn xiddiga kaliya ee premier League ka ciyaara ee ka fiirsanaya in uu u dhaqaaqo sucuudiga iyad aoo xiddiga Man City ee Ilkay Gundogan uu doonayo ku biirista horyaalka sucuudiga.
Kooxda Benzema ku biiray ee Al-Ittihad ayaa dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee N’Golo Kante iyada oo kooxdu u soo bandhigtay mushahar aad u sareeya.
Xiddiga kooxda chelsea ee Pierre-Emerick Aubameyang oo dhankiisa ka tagaya kooxda Blues ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Al-Ahli iyo Al-Shabab kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.
CBS Sports ayaa ku warameysa in weeraryahankii hore ee Liverpool Iago Aspas oo haatan 35 jir ah lala xidhiidhinayo kooxda Al-Fath.
Xiddiga kooxda Crystal Palace oo haatan xor ah ayaa dhankiisa lala xidhiidhinayaa kooxda Al-Nassr.
Related