Micah Richards ayaa ku taageeray kooxaha Arsenal, Manchester United, Liverpool iyo Chelsea si ay ula tartamaan Manchester City xilli ciyaareedka soo socda.
Man City ayaa isku dayi doonta in ay ku guulaysato horyaalkii afraad oo xidhiidh ah xilli ciyaareedka soo socda, iyagoo ku guulaysta Premier League markii shanaad lix sannadood gudahood.
Kooxda Pep Guardiola ayaa kulamadii ugu dambeeyay horyaalka ku garaacay Arsenal kana faa’iidaystay bur-burkii Arsenal ee kulamadii ugu dambeeyay.
Daaficii hore ee Man City Richards ayaa aaminsan in kooxdiisii ​​hore ay la kulmi doonto tartan badan xilli ciyaareedka soo socda, isagoo taageeraya afar kooxood oo kale si ay ugu tartamaan horyaalka.
34-sano jirkaan ayaa filaya in Arsenal ay mar kale ku tartanto horyaalka premier League waxaana uu aaminsan yahay in Chelsea iyo Liverpool ay sameyn doonaan horumar weyn ka dib xilli ciyaareedyo niyad jab leh.
Richards ayaa sidoo kale Man United u saadaaliyay in ay ku tartanto horyaalka kadib shaqada fiican ee uu Erik Ten Hag ka qabtay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee England.
Isagoo ka hadlayay maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka Richards Ayaa la waydiiyay  cidda uu filayo inay la xifaaltamaan Man City xilli ciyaareedka soo socda, wuxuuna yiri:”Waxaan u maleynayaa Manchester United iyo Liverpool”.
“Liverpool waxa ay heshay tababare fiican waxana ay horay ula tartameen Man City waxana ay samayn doonaan Horumar wayna tartami doonaan”.
“Wali waxa Liverpool jooga xiddigo ku guulaystay premier League iyo champions League sidaas darteed way tartami doonaan, sidaas darteed waxan odhan karaa Liverpool iyo Man United”.
Richards ayaa intaas kadib yidhi”Waxaan u maleynayaa sidoo kale Arsenal, uma maleynayo in Arsenal ay halkaas ku joogsatay, Arsenal sidoo kale way tartami doontaa”.
Daaficii hore ee Manchester City iyo England ayaa hadalkiisa ku daray:”Waxaan qabaa in Chelsea ay si dhab ah u fiicnaan doonto xilli ciyaareedka soo socda marka uu yimaado Mauricio Pochettino”.

Related



Source link