Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa amaan u jeediyay ciyaartoydiisa wanagsan kadib markii ay Gunners wayday heshiis ay kula soo saxiixan lahayd Mykhaylo Mudryk.

Kooxda Arteta ayaa la rumeysan yahay inay hogaaminaysay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara iyada oo dalabyo badan ka gudbisay saxiixiisa.

Kadib markii laga diiday laba dalab, kooxda chelsea ayaa si lama filaan ah ugu biirtay tartanka saxiixa xiddiga muddo saacado ahna kula wareegtay xiddiga Mudryk.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa si Rasmi ah loogu soo bandhigay xiddig chelsea ah kulankii ay chelsea guusha 1/0 ah ka gaadhay Crystal Palace Axdii.

Inkastoo ay wayday saxiixa Mudryk, Arsenal ayaa si fudud 2-0 kaga badisay kooxda ay Waqooyiga London ku xafiiltamaan ee Tottenham Hotspur iyaga oo 8 dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka.

Mar wax laga weydiiyay afduubkii Chelsea ee Mudryk, Arteta wuxuu ku adkeystay in Arsenal ay diiradda saari doonto saxiixyo macno leh isaga oo saxaafada u sheegay “Waxa aan haysanaa xiddigo cajiib ah”.

“Waxaan dooneynaa inaan horumarino kooxdeena marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, marka aan dhaho anaga, nafteyda, shaqaalaha tababarka, shaqaalaha, ciyaartoyda, maamulka, iyo lahaanshaha, dhamaanteen waxaan ku wada jirnaa arintaan, laakiin waxaan sameyn doonaa heshiisyada aan sameyn karno isla markaas aan aaminsanahay in ay ku fiicantahay kooxda”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here