Halyeeyga kooxda Arsenal ee Ray Parlour Ayaa tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta u sheegay in uu xagaagan iska iibiyo xiddiga weerarka uga ciyaara ee Alexandre Lacazette.

Ray Parlour ayaa sheegay in uu xiddiga da’yarka ah ee Eddie Nketiah buuxin karo booskiisa hadii ay kooxdu iska iibiso xagaagan.

“Marar qaar waa in aad xiddig lumiso si aad xiddigo kale u keento”ayuu u sheegay TalkSport.

“Arsenal waxa ay u baahantahay in ay wax ka badasho kooxda”.

“Waan jecelahay Lacazette waa xiddig fiican laakiin waxa aan haysanaa Eddie Nketiah kaas oo buuxin kara booskiisa”.

“Sidaas darteed waa in uu Arteta iska iibiyo xiddiga Lacazette si uu u keeno xiddigo kale oo koox xoojin kara”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here