Halyeeyga Arsenal Tony Adams ayaa sheegay in Bernd Leno uusan ka mid ahayn 4-ta goolhaye ee ugu fiican adduunka waliba Mikel Arteta u sheegay in uu sameeyay khalad weyn kana shalayn doono in uu Iska iibiyay Goolhaye Emiliano Martinez.

Leno ayaa ahaa Goolhayaha 1-aad ee Gunner intii badnayd ee xilli ciyaareedkii hore laakiin dhaawac soo gaadhay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore ayaa fursad siiyay Goolhaye Martinez.

Martinez ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulamadii fursada la siiyay isaga oo kooxda kula guulaystay FA Cup-ka iyo Community Shield.

Laakiin soo laabashada Leno ayaa keentay in uu Martinez isaga tago kooxda isaga oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Aston Villa waliba shabaqiisa ilaashaday labadii kulan ee uu u ciyaaray waliba rikoodhe badbaadiyay.

Kadib markii uu daawaday Leno oo laga dhaliyay 3 gool kulankii Liverpool daafacii hore ee Gunners ayaa su’aal ka keenay go’aankii uu Arteta u ogolaaday in uu iska iibiyo Martinez inkasta oo uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

“Martinez waxa uu ahaa mid cajiib ah kulamadii koobka, run ahaantii waxa uu ahaa mid heer sare ah”ayuu Adams u sheegay Astro SuperSport.

“Waxa aan jeclaa Martinez waxana uu ahaa mid weyn halka uu Leno ku dhibaatoonayo”.

“Inkasta oo uu Arteta kalsooni siiyay Leno aniga ahaan ma rumaysni in uu ka mid yahay 4-ta goolhaye ee ugu fiican adduunka”.

“Markii uu Martinez ciyaarayay wax walba way u fiicnaayeen Arsenal tartamada koobabka”.

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here