Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaan wali iska dhiibin tartanka horyaalka premier League isaga oo sheegay in ay kooxdiisu wali ku guulaysan karto horyaalka.
“Waxaan muujinay xilli ciyaareedkan [inaan noqon karno kuwa u tartamaya horyaalka] walina waan ku guulaysan karnaa”.
“Weli waxaa harsan labo kulan, waxaan wali waxan ku guulaysan karnaa horyaalka, waxana aan ka qaadi karnaa kooxda ugu fiican taariikhda premier League”.
“Wali waan tartamaynaa, ma khasaarin doono, taas shaki kuma jiro, waxa xiga ee dhaca waxa ay ku xidhantahay sida aan wax u qiimayno iyo sida aan wax u bilowno”.
Arsenal ayaa 8 dhibcood ku hogamainaysay horyaalka premier League bishii April laakiin haatan waxa ay 4 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Man City.
Man City ayaa gacanta ku haysa kulan dheeri ah marka loo eego Gunners, marka la eego kulamada dhiman iyo dhibcaha ay Arsenal ka dambayso Man City waa suurtagal in ay ku guulaystaan horyaalka.
Related