Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa si maldahan u sheegay in xiddigaha Willian & William Saliba ay si joogto ah uga ciyaari doonaan shaxdiisa cusub ee Arsenal xilli ciyaareedkan

Xiddiga reer Brazil ee Willian ayaa si xor ah ugu soo biiray Arsenal kadib markii uu ka tagay kooxda Chelsea oo uu 7 sano joogay.

Dhanka kale xiddiga William Saliba ayaa ku soo biiray kooxda 12 bilood ka hor laakiin heshiis amaah ah ku sii joogay kooxdiisii hore ixlli ciyaareedkii hore.

Daafaca dhexe ayaa ku bilowday shaxda Arsenal kulankii ay Arsenal 4/1 uga badisay kooxda MK Dons ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Taageerayaasha Arsenal ayaa doonaya in ay saxiixyada cusub ee kooxdooda arkaan iyaga oo ciyaaraya kulanka sabtida ee Liverpool tartanka Community Shield-ka.

Arteta ayaa qirtay in ay wakhti hore tahay in ay labada xiddig ee Willian & William Saliba ku wada bilowdaan Kulanka Community Shield-ka laakiin ay wada ciyaari doonaan kulamada dambe.

“Ma garan karo in ay wada ciyaari doonaan kulanka Liverpool, waxa aan go’aan qaadan doonaa maalinta bari ah xiddigaha ciyaari doona iyo kuwa aan ciyaari doonin laakiin waxa aan hubaa in ay saxiixyada cusub daqiiqado ciyaari doonaan xilli ciyaareedka dambe”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here