Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa ka hadlay qaab ciyaareedka ciyaartoyga uu raadinayo xilli ciyaareedkan.

Tababaraha Gunners ayaa qirtay in ay tahay in kooxdiisu ay wax badan ka qabato suuqa kala iibsiga hadii ay doonayaan in ay sii xoojiyaan loolanka horyaalka.

Sida laga soo xigtay wargeysyada Ingiriiska, Arsenal ayaa lala xiriirinayaa xiddiga kooxda Shakhtar Donetsk ee Mykhailo Mudryk.

Markii la weydiiyay haddii ay la soo saxiixan karaan suuqa January ayuu Arteta yidhi“Ma awoodi karnaa inaan helno ciyaaryahanka aan dooneyno?”.

“Taasi waa su’aashayda, waan awoodi karnaa inaan helno weeraryahan shaki la’aan, ma garan karo horyaalka uu ka ciyaarayo, waan heli karnaa weeraryahan aniga ayaa balan-qaadi kara”.

“Laakiin waxa aanan samayn karin ayaa ah in aan la soo wareegno weeraryahan aan ku fiicnayn kooxdeena”.

“Uma baahnin jidh kaliya waxaan u baahanahay ciyaartoy kooxda wanaajiya. waxa aan u baahanahay ciyaartoy leh maskax guul doonaysa waxa aan leenahay siyaasad gaar ah waana waxa naga dhigay koox fiican”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here