Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Mino Raiola ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe sii joogi doono kooxda Man United waliba dhawaan bilaabi doono wadahadalada heshiiska cusub.

Xiddiga koobka adduunka kula guulaystay France ayaa soo qaatay wakhti adag xilli ciyaareedkii dhamaaday sabab la xidhiidha dhaawacyo badan laakiin waxa uu xilli ciyaareedka ku dhamaystay si fiican.

Wakiilka Mino Raiola ayaana sheegay in ayna Man United iibin doonin xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

“Paul Pogba waa xiddig muhiim u ah Man United, waxa ay dhisayaan mashruuc muhiim ah 100% isaga ayaa ka mid ah”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Man United ma iibin doonto Pogba xagaagan, waxa aan dhawaan ka wada hadli doonaa heshiis cusub, wax dhib ah ma jirto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here