Daafaca kooxda Chelsea ee Marcos Alonso ayaa lo badinayaa in uu ku biiro Inter Milan inta suuqa xagaaga uusan xermin 5-ta bisha October

Laacibkaas ayaa la aaminsan yahay in boos joogto ah ka heli doonin tababare Lampard sidaa darteed in uu baxo ayuu diyaar u yahay maadaama Ben Chilwell lala soo wareegay

Inter aya wada xaajood wax ku ool ah kula jirta Chelsea waxa ayna u badan tahay in saxiixa Alosno ku dhawaaqaan ka hor inta suuqa xermin .

Wargeyska The Times ayaa sheegaya in laacibka qudhiisa uu ku war giliyay macalinkiisii hore ee Conte in uu la midoobayo haddii uu Chelsea ka tagayo .

Macalin Lampard, laacbkaas ma uusan ciyaarsiin kulankii Totteham xilligaas oo kooxdaas lagu garaacay rigoorayaal

Waxaa xusid mudan in hishiiska Alonso ee Chelsea uu dhacayo xagaaga 2023-ka , lama helin qiimaha uu ku baxayo iyo in sheekaddu amaah noqon doonto.

Laacib.net


Source: Laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here