Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa diiday in uu meesha ka saaro in ay kooxdiisu samayn doonto saxiixyo cusub suuqa kala iibsiga January.

Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddiga Cody Gakpo kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda PSV todobaadkan.

Reds ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa xiddiga waxana ay si lama filaan ah ku dhamaystirtay saxiixa xiddiga iyaga oo ku garaacay Man United.

Xilli uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Leicester City ayaa Klopp la waydiiyay hadii ay kooxdiisu samayn doonto saxiixyo cusub suuqa January.

“Arintaas waxa aan kaga wadahadalnay qolka maamulka sare, waxa aan ognahay waxa aan doonayno waaanan samayn doonaan hadii aan awoodno”ayuu Kopp yidhi.

Reds ayaa la aaminsanyahay in ay haatan awooda saari doonaan saxiixa xiddig khadka dhexe ah isla maraas lala xidhiidhinayo xiddigo badan oo khadka dhexe ku fiican.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here