Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in xiddigihiisa Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold ay taam u yihiin kulanka Aston Villa ee maalinta Boxing Day-ga.

Liverpool ayaa Isniinta la ciyaari doonta kooxda Aston Villa kulanki ugu horeeyay ee horyaalka premier League kadib fasaxii koobka adduunka.

Xiddigaha Virgil van Dijk & Trent Alexander-Arnold ayaa ku soo laabtay tababarka laakiin waxa ay seegeen kulankii ay Man City guuldarada 3/2 ah kala kulantay Man City.

Kadib guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Man City ayuu Klopp xaqijiyay in ay labada xiddig Virgil van Dijk & Trent Alexander-Arnold taam u noqon doonaan kulanka Villa.

“Trent waxa aan filaynay in uu ka qayb qaato kulanka Man City laakiin wuu xanuusaday”ayuu Klopp yidhi.

“Virgil laftiisu tababar ayuu qaatay laakiin waxa aan siinay nasiino sidaas darteed Virgil van Dijk & Trent Alexander-Arnold taam ayay u noqon doonaan kulanka Isniinta”.

Liverpool ayaa kulamo badan ciyaari doonta wakhtiga soo socda waxana uu Klopp rajaynayaa in ayna dhaawacyo kale soo gaadhin xiddigaha kooxdiisa.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here