Daafaca Thiago Silva ayaan loo dhiibi doonin calaamada kabtanimo ee kooxda chelsea marka uu si Rasmi ah ugu biiro Blues sida ay sheegayaan wararku.

Frank Lampard ayaa doonaya in uu daafaciisa ku xoojiyo kabtankii hore ee PSG Silva kaas oo ay si xor ah kula soo wareegayaan.

Heshiiska Silva ee Blues ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo saacaha soo socda kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu Silva qalinka ku duugay heshiis hal sano ah iyo hal sano oo kale oo dookh ah.

Laakiin wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in aanu Frank Lampard calaamada kabtanimo u dhiibi doonin Thiago Silva marka uu ku soo biiro.

Sababta ayaa ah in uuna daafaca reer Brazil ee khabiirka ah si fiican ugu hadalin luuqada English-ka sidaas darteed ku dhibaatoon doono in uu la xidhiidho xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here