Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu taam u noqon doono in uu ka hor tago Leicester City Axada hadii baadhitaankiisa cusub muujiyo in uuna qabin xanuunka Korona.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa laga helay xanuunka Korona xilli uu ku jiray waajibaadka xulkiisa waxana uu haatan ku jiraa karantiil.

Liverpool ayaa haatanba waayi doonta xiddigo kulanka Leictester City laakiin Reds ayaa war fiican heli karta Hadii baadhitaanka khamiista ee Salah muujiyo in uuna qabin xanuunka.

Madaxa caafimaadka xulka qaranka Masar ee Hossam Hosny oo la hadlaya Daily Mail ayaa yidhi”Salah haatan waxa uu joogaa El-Gouna si uu u dhamaystirto karantiilkiisa waxana baadhitaan laga qaadi doonaa khamiista, waxana aan hubaa in jawaabto noqon doonto in uuna qabin xanuunka sababta oo ah ilaa haatan xiddigu ma muujin wax calaamado ah”.

“Salah waxa uu maray baadhitaanka xanuunka taas oo muujisay in uu qabo xanuunka laakiin wax calaamado ah ma qabin waxana uu haatan ku jiraa karantiil”.

“Liverpool way nala soo xidhiidhay si ay wax uga ogaato Salah, Waxana uu ku laaban doonaa Liverpool Khamiista hadii laga waayo xanuunka”.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here