Miyuu Paul Pogba Kasoo Muuqan Karaa Kulanka Tottenham? Ole Gunnar Solskjaer Ayaa Ka Jawaabaya.

Advertisements

Paul Pogba uma suuragaleyso inuu ciyaaro kulanka ay habeen dambe kooxdiisa la ciyaareyso Tottenham Hotspur, mana heli doono fursad uu kaga hor yimaado macalinkii ay isku dhaceen ee Jose Mourinho.

Xiddiga reer France ayaa rajo ka qabay inuu wajaho Jose Mourinho oo aysan indhaha isi siin karin, balse Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay inuusan diyaar u aheyn kulanka Old Trafford ka dhici doona.

“Diyaar ma ahan, wali inyar ayuu naga maqnaan doonaa, balse si adag ayuu u shaqeynayaa” ayuu yiri Ole Gunnar Solskjaer.

“Tababar ma sameynin, sidaas darteed ma garan inta uu sii maqnaan karo”

Sidoo kale Ole Gunnar wuxuu rajeynayaa in Scott McTominay uu diyaar u noqdo kulanka Spurs, wuxuuna ka hortagi doonaa macalinkii aaminay isla markaana jamaahiirta kooxda jecleysiiyay ee Jose.

Advertisements

“Waan arki doonaa sidey noqdaan” ayuu yiri mar uu ka hadlayay dhaawacyada kooxda.

“Ma doonayo inaan ku dhaho “Haa” iyo “Maya”, waxaan siin doonaa maanta tababar, waana arki doonaa sidey wax noqdaan”

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII