Wararka ka imanaya dalka England ayaa shaaca ka qaaday fursadaha daafaca Trent Alexander-Arnold ee kulanka Arsenal ee Community Sheild-ka dhici doona maalinta sabtida.

Liverpool ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Arsenal kulan ka dhici doona Wembley kana tirsan furitaanka xilli ciyaareedka cusub gaar ahaan tartanka Community Shield-ka.

Shabakada Anfield ayaa sheegaysa in uu daafaca Trent Alexander-Arnold taam buuxa u noqon doono kulanka Arsenal ee sabtida dhici doona.

Trent Alexander-Arnold ayaa dhaawac ku dhibaatoonayay wakhtigii ugu dambeeyay isaga oo seegay dhamaan kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin xiddiga ayaa taam u ah in uu ciyaaro sabtida iyada oo ay ku xidhantahay go’aanka tababaraha in uu ciyaarsiiyo xiddiga iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here