Luka Modrci ayaa  weeraray  garsoorihii hayaya kulankii qarankiisa uga hareen koobka aduunka ka dib sedexleey ay ku guuleysteen saaxibadda Messi

” Inta Badan arimaha gasroorka kama hadlo balse waan ka fursan waayay , waa garsoorihii ugu liitay ee aan abid arko inkastoo kulamo kale  qarankeena ah uu hagay”

Sidaas oo ay tahay Modric  ayaa u hambalyeeyay Argentina ” ma doonayo in aan xaqiro waa ay mudan yihiin in ay finalka tagaan balse rigooradii ayaa ina dumisay”.

Croatia inkastoo kubad haysashada ay ku wanaagsanaayeen kulankaas hadana waxa ay ka liiteen dhanka weerarka oo ma aheyn sidii kulankii Brazil oo wareega 8-da ku reebeen

“Messi hamblyo si wacan ayuu u ciyaaray waxaan u rajeynayaa guul ah in ay qaadaan koobka aduunka ,  bandhig cajiib ah ayuu ku jiraa , dhab ahaan Messi waa mudan yahay waa xiddiga ugu fiican taariikhda” ayuu sii raaciyay Modric

Argentina ayaa finalka ku arkeysa cidda caawa soo baxda Morocco iyo France kuwaasi oo kulan adag leh



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here