Sida laga soo xigtay The Athletic, Mohammed Kudus ayaa muujiyay rabitaan weyn oo uu kaga tagayo Ajax suuqa kala iibsiga ee bisha January.

Weeraryahanka reer Ghana ayaa si xoogan loola xiriirinayay Liverpool dhawaan ka dib markii uu gool cajiib ah ka dhaliyay Reds tartanka champions League waxana uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay xulkiisa koobka adduunka.

Sida laga soo xigtay saxafiga David Ornstein, Liveprool ayaa u baahan in ay bixiso lacag u dhexaysa 35 ilaa 40 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa xiddiga.

Kudus oo jira kaliya 22 sano ayaa ka ciyaari kara boosas badan oo khadka dhexe iyo weerarka ah.

Xiddiga ayaa ku fiican gool dhalinta waxana uu sidoo kale leeyahay orod badan isaga oo kooxda AJax u haliyay 10 gool 21 kulan oo uu u ciyaaray Ajax qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Liverpool ayaa si aad ah ugu baahan dhiig cusub oo kooxdeeda ah kadib dhaawacyadii Diogo Jota iyo Luis Diaz waxana ay Kudus u doonaysaa in ay ku buuxiso booska xiddigaha ka dhaawacan.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here