Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah aya sii wada qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku qaadanayay Liverpool kulamadii ugu dambeeyay ee kooxdiisa.

Salah ayaa dhaliyay gool Mid kalena caawiye ka noqday kulankii ay Liverpool 3/1 kaga badisay kooxda Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Salah ayaa furay goolasha kooxdiisa Liverpool ka hor inta uuna caawin goolkii 2-aad ee uu dhaliyay xiddiga Virgil Van Dijk qaybtii hore ee ciyaarta.

Goolkaas iyo caawintaas ayaa la macno ah in uu Mohamed Salah ilaa haatan dhaliyay 50 gool iyo wax ka badan premier League sidoo kale caawiye ka noqday 50 gool iyo wax ka badan.

Salah ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay tan ilaa Steven Gerrard kaas oo sidaas u sameeyay kooxda Liverpool taariikhda premier League.

Mohamed Salah ayaa ilaa haatan premier League dhaliyay 6 gool 3 kalena caawiye ka noqday 14 kulan oo premier League ah oo uu ciyaaray.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here