Barnaamijka caanka ah ee El Chiringuito ayaa shaaca ka qaaday mudada uu xiddiga Dani Carvajal ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga reer Spain.

Kooxda Real Madrid ayaa goor dhawayd xaqiijisay in uu xiddiga reer Spain ka dhaawacmay jilibka kadib dhaawac soo gaadhay kulankii ugu dambeeyay ee Real Madrid.

El Chiringuito ayaa sheegay in uu Dani Carvajal garoomada ka maqnaan doono muddo 2 bilood ah waliba uu soo laaban doono bartamha bisha December.

Sidaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka El Clasico ee dhici doona 25 bishan October ee haatan lagu jiro ka dhici doona kulanka Camp Nou.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Real Madrid iyo Zidane marka loo eego in uu Carvajal laf dhabar u yahay kooxda sanadihii ugu dambeeyay.

Laacib.net

Source: laacibfm.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here