Muxuu Ahaa Hadalkii Xalay Kasoo Yeedhay Luka Modric Ee Jawaabta Deg-degga Ah Ay Ka Bixisay Barcelona?

Advertisements

Luka Modric ayaa xalay ka qayb-galay xafladdii abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana biladdii uu sannadkii hore ku guuleystay uu guddoonsiiyey Lionel Messi oo noqday laacibka ugu fiican caalamka sannadkii tegay, sidoo kalena dhigay taariikh aan hore dunida looga arag oo ah inuu lix jeeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Modric iyo Messi oo u kala ciyaara labada kooxood ee xafiiltanka weyn ka dhexeeyo ee Real Madrid iyo Barcelona, ayaa waxa uu madasha ka jeediyey hadal soo jiitay quluubta dadka xiiseeya kubadda cagta, kaas oo ay ka madhnayd xitaaltanka kooxeed ee garoomada, kuna koobnaa shaqsiyadda iyo qiimaynta waaqaca.

Kubbad-sameeyaha reer Croatia, ayaa u saftay magaalada Paris si uu Messi u guddoonsiiyo abaal-marinta, taas oo ah mid ku cusbayd ciyaartooyo ka kala tirsan Barcelona iyo Real Madrid.

Hadal uu ka jeediyey madashaas ayaa waxa uu Modric ku kasbaday in si aad ah loogu sacab-tumo, laakiin waxyar kaddib markii ay dhamaatay xafladdu ayaa waxa uu bartiisa bulshada soo dhigay qoraal ay degdeg uga jawaabtay Barcelona.

Advertisements

Modric waxa uu bartiisa ku daabacay sawir uu Messi guddoonsiinayo abaal-marinta Ballon d’Or, waxaanu raaciyey qoraal uu ku yidhi: “Ciyaaraha iyo kubadda cagtu kuma koobna guul kaliya, waxa kale oo ay keenaan ixtiraamka ciyaartoyga aad isku kooxda tihiin iyo kuwa aad loollamaysaan.”

Inyar kaddib waxa usoo jawaabtay Barcelona oo barteeda Twitterka ku tidhi: “Xaqiiqdii waxaad tahay nin sharaf leh.”

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII