Tababaraha kooxda Manchester United Eric ten Hag ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Charlton Athletic oo ay saddex gool kaga badisay kulan ka tirsanaa 8 dhamaadka koobka Carabao cup-ka.

Saddexda gool ee Red Devils waxa dhaliyay xiddigaha Anthony iyo Rashford oo 2 gool dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Isaga oo la hadlaya BBC Sport ayuu Ten Hag yidhi ciyaarta kadib”Waxa aan doonaynay in aanu gaadhno Semi-final-ka waanan helnay wixii aan doonaynay”.

Tababaraha United ayaa ka hadlay ciyaarsiinta xiddigaha Rashford, Eriksen iyo Casemiro, wuxuuna yiri”Qorshuhu sidaas ayuu ahaa si aan u ilaalino taam ahaanshohooda”.

Ten Hag oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Kuwaani waa halbeegyada kooxdaan, bedelka ayaana diyaar ah, maanta mar kale ayaan aragnay, dhamaantood waxay diyaar u ahaayeen inay ka qeybgalaan oo ay si wanaagsan u ciyaaraan.”



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here