Muxuu Jurgen Klopp Ugu Jawaabay 10-Jir Man United Taageero U Ah Kaas Oo Ka Codsaday Iney Liverpool Guuldareysato?

Advertisements

Tababare Jurgen Klopp ayaa jawaab qalbi taabad ah siiyay 10-jir taageero u ah Man United kaas oo warqad usooqoray kana codsaday in Liverpool aysan waligeed mar kale guuleysan.

Reds ayaan guuldaro arkin 43 kulan oo horyaalka Premier League, waxeyna qarka u saaran yahiin iney 30-sano kadib ku guuleystaan horyaalka iyagoo 22-dhibcood ka horreeya kooxda kaalinta labaad.

Daragh Curley oo 10-jir ah ayaa isku dayay inuu tababaraha Liverpool ka qanciyo inuusan mar kale guuleysan kulan horyaal ah isagoo usoo qoray warqad qeyb ka aheyd shaqo guri oo iskuulka looga diray.

Warqadii lasoo qoray bishii hore, wiilka yar ee dagan Donegal wuxuu macalinka jarmalka ah ugu sheegay inuusan dooneyn inuu arko kooxda Merseyside-ka oo sameyneya rikoor ka fiican midkii ay Arsenal sameysay dhawr sano ka hor.

“Liverpool waxey badisay kulamo badan, hadii aad badiso sagaal kulan waxaad tahay kooxda ugu fiican ee aan laga adkaan kubadda cagta England, inaan ahay taageero Man United, taasi waa mid murugo ii ah” ayuu soo qoray wiilka yar ee dhigta iskuulka Glenswilly Nationall School.

“Sidaas darteed marka xiga oo ay Liverpool ciyaareyso, fadlan ogolow inaad lumiso, u ogolow iney kooxda kale gool dhaliso, waxaan rajeynaa inaan kugu qanciyay inaadan guuleysan kulan horyaal ah ama kulan kale waligaa”

Si kastaba Jurgen Klopp ayaa wiilka si qalbi ah ugu jawaabay, balse wuxuu ka cudur daartay inuusan codsigiisa u fulin karin.

“Nasiib darro, wakhtigaan ma fuli karo codsigaaga, si kastaba uma dhaqaaqi karo”

“Inkastoo aad si weyn u dooneyso iney Liverpool lumiso, hadana waa shaqadeyda inaan wax walba sameeyo si aan Liverpool uga caawiyo guusha, waxaa jira malaayiin dad ah oo dunida jooga kuwaas oo doonaya iney sidaas dhacdo, sidaas darteed ma doonayo inaan hoos u dhigo”

Advertisements

Waxaad nasiib ku leedahay, horay ayaan ciyaaro u luminay, kuwa kale mustaqbalka waan lumin doonaa sababtoo ah waxaan waa kubadda cagta”

“Dhibku wuxuu yahay marka adigoo 10-jir ah aad ku fakareyso waxyaabahaas waligood sidaas iney ahaan doonaan, balse waxaa jira hal mid oo aan kuu sheego karo anigoo 52-jir ah, waxey tahay iney arintaas aheyn kiiska taagan”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII