Muxuu Sameeyay Marco van Basten Oo Sabab U Noqday In Laga Saaro Ciyaar Gacmeedka FIFA 20?

Advertisements

Marco Van Basten ayaa fadeexad dhexda ka galay ka dib hadalo muran dhaliyay oo uu ka sheegay warbaahinta bishii la soo dhaafay.

Van Basten oo 55 sanno jir ah ayaa falanqeeye u ahaa hilinka Fox Sports ayaa la maqlay isagoo dhahaya oraahda luqada Jarmalka ee ‘Seig Heil’.

Oraahdaas ayaa ah mid ay si weyn u isticmaali jireen xisbigii Nazi-ga ee uu Hitler hogaamin jiray.

Xilligii uu Van Basten ku dhawaaqayay oraahdaas ma aheyn mid ka hadlaya TV-ga mana uusan ogeyn in mikrafoonkiisa uu weli daaran yahay.

Waxay taasi keentay in hilinka Fox Sports ay ganaaxaan halyeeygii hore ee xulka Holland muddo isbuuc ah.

Waxay sidoo kale keentay in haatan laga saarao ciyaar gacmeedka FIFA 20 oo uu ka qeyb ahaa halyeeyada lagu ciyaari karay sannadkan.

Shirkada EA Sports oo soo saarta ciyaar gacmeedka ayaa sharaxaad ku bixisay in oraahdii Nazi-ga ee uu isticmaalay inay sabab u noqotay inay ka saaraan ciyaar gacmeedkooda.

Advertisements

Van Basten ayaa raaligelin ka bixiyay oraahdii uu adeegsaday.

“Ma dooneynin inaan carro geliyo dadka, waxaan doonayay inaan ku maadeysto luqada Jarmalka ee saaxiibkeey, laakiin waan ka xumahay” ayuu Van Basten u sheegay talkSPORT.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII