Muxuu Tababare Jurgen Klopp Ka Yiri In Virgil van Dijk Uu Ku Guuleysan Waayay Abaalmarinta Ballon d’Or?

Advertisements

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka jawaab celiyay in Virgil van Dijk uusan ku guuleysanin abaalmarinta Ballon d’Or sannadkan.

Macalinka Jarmalka ayaa aaminsan inay aheyd in Virgil van Dijk uu ku guuleysto Ballon d’Or bedelkii uu ku guuleysan lahaa halyeeyga Barcelona Lionel Messi.

Messi ayaa abaalmarinta Ballon d’Or ku guuleystay rikoodh markii lixaad ah ka dib markii ay inta badan joornaaliistayaasha dunida u codeeyeen xiddiga Jarmalka.

Klopp ayaa qirtay inuu filayay in daaficiisa dhexe loo caleemo saari doono xiddiga ugu fiican dunida.

Daafaca dhexe Van Dijk ayaa ku dhameystay kaalinta labaad isagoo ka sarre maray xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo.

Tababaraha Liverpool ayaa sheegay in Van Dijk uu u qalmay abaalmarinta Ballon d’Or, waxaana uu xusay inaysan jirin xilli ciyaareed uu daafac dhexe fiicnaa taariikhda kubada cagta oo aan ka aheyn xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

“Go’aanka waxaa gaaray joornaaliistayaal, waana sida ay wax u arkeen” ayuu yiri Jurgen Klopp.

“Wax dhibaato ah ma lahan. Si ka duwan sida ay wax u arkeen ayaan aniga wax u arkay, dad badan ayaana sidaas ila aaminsan.

Advertisements

“Ma xusuusan karo xilli ciyaareed uu daafac wacdarro dhigay abid.”

Van Dijk ayaa ugu cadcadaa ku guuleysiga abaalmarinta Ballon d’Or muddo bilooyin ah, laakiin Messi ayaa abaalmarinta ka dulqaaday xiddiga Liverpool ka dib wacdarro uu dhigay xilli ciyaareedkan ka hor codeynta.

[embedded content]

Source: laacibfm

WARARKII