Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar kala hadlay in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer France ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal kadib markii uu xiddiga reer France qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin Real Madrid ayaa haatan si dhab ah u doonaysa xiddiga 22 jirka ah iyada oo uu xitaa tababare Zinedine Zidane la xidhiidhay xiddiga.

Wargayska reer Spain ee OKDiario ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo uu Zidane kooxdiisa ku riixayo in ay dhamaystirto saxiixiisa.

Real Madrid oo seegtay saxiixa xiddiga Donny Van de Beek ayaa doonaysa in ay saxiixeedii kaliya ka dhigto xiddiga Aouar inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Zidane ayaa xiddiga 22 jirka ah ee Houssem Aouar  u sheegay in uu ka qayb noqon doono qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe waliba ciyaarsiin doono hadii uu ku soo biiro kooxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here