Mykhailo Mudryk ayaa maanta oo arbaca ah ka qayb qaatay tababarkii ugu horeeyay ee kooxdiisa cusub ee chelsea.

Garabka reer Ukraine ayaa u muuqda mid taam ah oo diyaar u ah inuu safto kulankiisii ​​ugu horeeyay ee chelsea marka ay Blues booqanayso Liverpool Sabtida.

Xiddiga Mudryk ayaa chelsea ku soo biiray todobaadkan kadib markii ay ku garaacday kooxda Arsenal kuwaas oo doonayay saxiixiisa.

Blues ayaa Mudryk soo bandhigtay Axadii qaybtii Nasashada ee kulankii ay guusha ka gaadheen kooxda Crystal Palace.

Xiddiga Mudryk ayaa haatan la filayaa in uu ciyaaro kulanka Liverpool ee sabtida isla markaas caawiyo koxdiisa ku jirta xaalada adag.

Sidoo kale Graham Potter ayaa war fiican ka helay xaalada Ben Chilwell iyo Reece James oo lagu arkay tababarka kooxda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here