Kooxda Napoli ayaa shaaca ka qaaday in weli aysan helin dalab macquul ah oo laga geeyay daafacooda reer Senegal ee Kalidou Koulibaly

Laacibkaas 29 sano jirka ah ayaa si weyn maalmahaan loola xariiriyay in u u wareegayo Man City waliba uu jiro hishiis shaqsiyadeed oo ay la gaareen .

Kalidou Koulibaly ayay Napoli ku qiimeysaneysaa aduun dhan 90 milyan oo euro , waxa uuna madaxweynaha kooxdaas De Laurentiis hoosta ka xariiqay in aysan hoos uga dhici doonin qiimaha ay ku doonayaan laacibkaas inkastoo dhaqaalaha dunida uu sameeyay xanuunka karoona .

” Haddii aynu hellin dalab ina qanciya , meel uma socda Kalidou Koulibaly ” ayuu madaxeynaha Napoli ka yiri wargeyska Clacio Mercato.

Kalidou Koulibaly waxaa horay aad u doonayay kooxo ay ay ka mid yihiin United iyo Chelsea balse haatan waxa ay u muuqataa in Man City kaliya ku soo hareen xiisaha loo qabo laacibkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here