Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Nathan Aké ayaa ka hadlay dhaawacii soo gaadhay intii uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa Holland kulankii ay bar-baraha la ciyaareen xulka Spain.

Xulka Holland ayaa bar-baro 1/1 ah la galay xulka qarana Spain kulan ka tirsanaa saaxiibtinimooyinka ee bishan fasaxa xulalka.

Xiddiga Nathan Aké ayaa sii wadan kari waayay kadib markii uu daqiiqadii 5-aad dhaawac soo gaadhay kana baxay isla markiiba.

Nathan Aké ayaa ciyaarta kadib bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Habeen Niyad Jab leh, laakiin waxaan rajaynayaa in aan si deg-deg ah ku soo laabta”.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay in uu isaga baxay waajibaadka xulka qarankiisa isaga oo ku laaban doona kooxda Man City.

Source: laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here