Neymar aya lagu soo waramayaa in uu kooxdiisa PSG ka codsaday in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxdaBarcelona ee Lionel Messi.

Bilowgii todobaadkan kabtanka kooxda Barcelona ayaa kooxdiisa u gudbiyay warqada bixitaanka isaga oo ka codsaday in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona.

Inkasta oo aan ilaa haatan la isku raacsanayn qiimaha ay tahay in lagu iibiyo xiddiga hadana waxa jira kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo lala xidhiidhiyay xiddiga 33 jirka ah.

Shabaka Sky Sport ayaa sheegaysa in uu Neymar maamulka kooxdiisa ka codsaday in ay maalmaha soo socda dalab ka gudbiyaan Lionel Messi.

Neymar ayaa doonaya in uu mar kale ka garab ciyaaro Lionel Messi maadama ay u suurtagali wayday in uu ku laabto Barcelona xagaagii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here