Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa war fiican ka helay xaalada xiddigaha Marcus Rashford & Harry Maguire ka hor kulanka West Brom ee sabtida.

Labada xiddig ayaa si buuxda taam ugu noqon doona kulanka West Brom kadib markii ay dhaawacyo kala yimaadeen waajibaadka xulka qarankooda intii lagu jiray fasaxa xulalka.

Labada xiddig ee Marcus Rashford & Harry Maguire ayuu shaki ku jiray taam ahaanshohooda kadib markii ay ku dhaawacmeen kulamadii xulka qarankooda England.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”inta badan way fiicanyihiin Marcus waxa uu maanta tababar la qaatay kooxda, waxa ana rajaynayaa in uuna si xun uga fal celin”.

“Victor Lindelof waxa aan qiimayn doonaa xaaladiisa ka hor kulan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here