Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaaladda Garoonka Iyo Kubaddii Lagu Ciyaaray Ku Sababeeyay Barbarahii Ay Xalay La Galeen Club Brugge.

Advertisements

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaaladda garoonka iyo kubaddii lagu ciyaaray ku sababeeyay barbarahii ay xalay la galeen kooxda Club Brugge kulankii lugta koowaad wareega 32-aad ee UEFA Europa League.

Advertisements

Martial ayaa qeybtii hore ciyaarta gool ay banaanka ku dhaliyeen u keenay kooxdiisa, wuxuuna jawaab u noqday gool looga hormaray oo lagu eedeeyay inuu qalad ku lahaa goolhaye Sergio Romero.

Si kastaba Solskjaer wuxuu ka dhawaajiyay in kubadii (Molten) ee xalay lagu ciyaaray iyo roob yar oo garoonka ku jiray ay sababtay iney barbaro la galeen hogaamiyayaasha horyaallka Belgium.

“Wuxuu ahaa kulan adag oo aan wajahnay koox aad u agaasiman, kuna wajahnay xaalad adag” ayuu yiri Ole Gunnar Solskjaer.

“Ma filayo inuu yahay mid ka mid ah kulamadii ugu wanaagsan, waxyar oo caajis ah ayaa jiray, taxadar caqli ah ma jirin, sidoo kalana xaaladda garoonka iyo kubadda ayaa ka dhigay wax adag kulanka”

“Kubada waxey aheyd mid ka duwan, waana adkeyd in lagu ciyaaro, balse labada kooxood wey u sinaayeen, waxaa jiray iftiin, waxaad heli kartaa hal jeer waana isku dayi kartaa”

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII