Paul Merson ayaa afar kooxood oo waaweyn ka saaray tartanka horyaalka Premier League kadib markii ay Arsenal garaacday Brighton isla markaas 7 dhibcood ku qabatay hogaanka horyaalka premier League.

Arsenal ayaa dheeraystay hogaanka premier League kadib markii ay garaaceen Brighton isla markaas Man City bar-baro la gashay kooxda Everton.

Gunners ayaa haatan 7 dhibcood ka horaysa kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City kadib markii ay gaadheen guushoodii 14-aad ee premier League.

Merson ayaa sheegay in ay jiraan 4 kooxood oo haatan la hubo in ayna wax fursad ah u haysan ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa haatan 11 dhibcood ka horaysa kooxda Man United ee kaalinta 4-aad ku jirta halka ay ka sii dambeeyaan kooxaha Tottenham, Liverpool iyo chelsea.

“Waxay ku jirtaa gacantooda,” Merson ayaa sidaa ku yidhi Sky Sports.

“Waxaa jira kooxo – kooxo waa weyn – oo aan hadda ku guuleysan karin Premier League”.

“Kooxahaas ayaa kala ah Chelsea, Liverpool, Tottenham iyo Man United, tartanka horyaalku waxa uu haatan ka dhexeeyaa kaliya Arsenal iyo Man City”ayuu sii raaciyay.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here