Pep Guardiola ayaa si weyn u dhaleeceeyay xamaasad la’aanta kooxdiisa Man City waxana uu sheegay in ay kooxdiisu ka fogtahay sidii ay markii hore ahaayeen kadib markii ay guusha 4/2 ah ka gaadheen Tottenham.

City ayaa 2 gool looga hor maray qaybtii hore ee ciyaarta ka hor inta ayna 4 gool ugu badalin qaybtii dambe waxana ay ku dhawaadeen in ay ka sii fogaadaan hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, Guardiola ayaa aaminsan in City ay “nasiib ku heshay” inay garaacdo Spurs, wuxuuna sheegay in kooxdiisu ay dhibco badan lumin doonto.

“Ha Horayso ama Ha dambayso hadii aan sidan u sii ciyaarno waxa aan lumin doonaa dhibco badanIsagoo la hadlayay Sky Sports wareysigiisa ciyaarta ka dib, Guardiola ayaa yiri: “Ma dafiri karo sida aan ugu faraxsannahay (in aan ka badino Spurs) laakiin waan ka fognahay sidii aan horay ahayn”.

“Ma ahan marka la eego qaabka aan u ciyaareyno sababtoo ah waxaan u ciyaarnay si wanaagsan qeybtii hore, laakiin waxaa jira waxyaabo badan sida tartanka, waxaa jira waxyaabo badan oo aan ka fognahay”.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here