Kabtanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka hadlay heshiiska cusub ee uu u saxiixay kooxda Arsenal kadib ku guulaysigii Gunners ee koobka Community Shield-ka.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laaday rikoodhadii ugu dambeeyay ee kulankii ay Arsenal rikoodhayaasha ugu qaday tartanka Community Shield-ka kadib markii uu goolka furitaanka u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 13-aad.

Kadib dhamaadka ciyaarta ayaa Pierre-Emerick Aubameyang la waydiiyay in ay dhamaan taageerayaasha Arsenal sugayaan heshiiska cusub.

Waxana uu u sheegay BT Sport”Haa waan ogahay, waxa aan arki doonaa maalmaha soo socda, maanta waxa aan ku guulaysanay koob”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here