Taageerayaasha Arsenal ayaa weerar ku qaaday kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii ay arkeen isaga oo qoslaya waliba la kaftamaya Xiddiga Man City ee llkay Gundogan kadib markii ay Man City ka badisay Arsenal.

Gool uu Raheem Sterling dhaliyay ayaa Man City ka caawiyay in ay Arsenal ka badiso 3-da dhibcood ee kulankana jeebka ku shubato.

Dhanka kale Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho kulanka isaga oo caawin waayay kooxdiisa.

Laakiin taageerayaasha Arsenal ayaa si weyn uga xanaaqay Pierre-Emerick Aubameyang kadib markii ay Arkeen isaga oo qoslaya waliba kaftamaya kadib markii ay ciyaartu dhamaatay.

Taageere Arsenal ah ayaa soo qoray”Miyaad sugi kari wayday inta aad garoonka baxaysid hadii aad doonayso in aad qososho, ma ahan wakhti la faraxsanaado oo la kaftamo”.

“Ma waxaad ku qoslaysaa guuldarada kabtan”ayuu taageere kale qoray.

“Ma ahan wax la aqbali karo in uu Pierre-Emerick Aubameyang Kaftan iyo qosol la qaato xiddig Man City ah kadib markii guuldaro la kulantay kooxdu”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here