Portugal ayaa kulankaas galeysa iyadoo dooneysa in ay ka aar gutaan Korea sidoo kalana markii sedexaad taariikhda guul wada gaaraya kulamada Group-yada ee koobka aduunka

Xogta Kulanka

*Kulanka kaliya ee hore ee u dhex maray  Korea Republic iyo Portugal wuxuu yimid 2002 FIFA World Cup, iyadoo Korea ay 1-0 kaga badisay Portugal oo  garoonkeeda marti ugu aheyd iyadoo  wareega group-yada la joogo . Natiijadu waxay keentay inay ku guuleystaan ​​guruubkooda, halka Portugal ay ka hareen tartanka.

*Guuldarada kaliya ee Portugal ka soo gaartay shan jeer oo hore oo ay kooxaha Asia kula kulmeen FIFA World Koobku waxa  ay aheyd midkii Korea 2002dii, Portugal waxa  ay badiyeen saddex  jeer halna bar bar dhac ayay galeen

*Korea ayaa badisay kaliya shan ka mid ah 23 kulan oo ay la ciyaartay Koobka Adduunka ee FIFA Kooxaha Yurub (6 bar bar dhac  guul darro 12), iyadoo qaramada ay ka badiyeen ay kala yihiin (Poland, Portugal, Italy, Greece iyo Germany)

*Korea Republic ayaa laga badiyay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee Koobka Adduunka ( hal badis iyo mid bar bar dhac.

*Portugal ayaa mar hore u soo baxday wareega bug baxa ee koobka aduunka 2022 ilaa hadda waxa ay garaaceen Ghana iyo Uruguay. Waxay raadinayaan inay ku guuleystaan ​​​​dhamaan kulamada Group-yada maerkii sedexaad taariikhooda waxa ayna horay u sameeyeen  sidaas 1966 iyo 2006.

 

 



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here