Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay xiddiga Hector Bellerin ka iibiso kooxda Paris Saint-Germain inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Hector Bellerin iyaga oo ka horeeya kooxda Barcelona oo dhankooda doonaya saxiixa xiddiga.

Wargayska Independent ayaa sheegaaya in ay Kooxda Arsenal doonayso in ay Hector Bellerin ka iibiso kooxda PSG xagaagan sabab la xidhiidha in ay Kooxda reer France ka dalab sarayso dhigeeda Barcelona.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal dalabanayso lacag dhan 35 ilaa 40 milyan oo euro taas oo ah lacag ay Barcelona diidantahay in ay bixiso iyaga oo diyaar u ah in ay bixiyaan 20 ilaa 25 milyan oo euro.

Daafaca reer Spain ee Hictor Bellerin ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Arsenal si uu u qaato tartan cusub xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here