Kooxda PSG ayaa bah-dishay xiddigeeda Lionel Messi kadib markii ay magacaabayeen kabtankooda 2-aad ee kooxda.

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa loo doortay kabtanka 2-aad ee kooxda PSG iyada oo uu joogo xiddiga Messi.

Ku dhawaaqistan ayaa la macno ah in ay kooxda PSG mustaqbalka Messi u aragto meel ka fog caasimada France.

Tababaraha Kooxda PSG Christophe Galtier ayaa shaaciyay go’aanka kadib guushii 7/0 ahayd ee ay PSG ka gaadhay kooxda Pays de Cassel.

Mbappe oo dhaliyay kulankaas 5 gool ayaa amaan ka helay tababaraha kooxdiisa PSG ee Galtier.

“Waxa uu dhaliyay 56 gool sanadka waana mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican, mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka”.

Mustaqbalka Messi ee kooxda PSG ayuu shaki weyn ku jiraa iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo kooxda.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here