Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Man United & Watford – Xiddigihii U Sababta Ahaa Guusha Red Devils & Laacibkii Ku Guuleystay Xiddiga Garoonka

Advertisements

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ma aysan soo gelin afarta kaalimood ee ugu sareysa ee Premier League tan iyo bishii September, laakiin waxay haatan ku socdaan wadadii ay dib ugu laaban lahaayeen. Waxay ka badiyeen Chelsea oo ah kooxda ugu weyn ee ay kaalinta afaraad kula tartamayaan Isniintii, waxaana u sii raacday guushii maanta.

Laakiin seddexda kulan ee soo socota ee horyaalka waxay la ciyaarayaan Everton, Manchester City iyo Tottenham taasoo kala cadeyn doonta fursadooda inay Champions League u soo baxayaan xilli ciyaareedka danbe.

XIDDIGA GAROONKA – BRUNO FERNANDES

Bruno Fernandes ayaa sii wada wacdarihii uu ku soo galay Manchester United markii uu 70 milyan ginni uga soo wareegay Sporting Lisbon bishii la soo dhaafay.

Waxa uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee kooxda isagoo rigoore si degan shabaqa ugu hubsaday ka hor inta uusan gacan ka geysanin goolkii quruxda badnaa ee Anthony Martial isagoo sidoo kale caawiye ka ahaa goolkii seddexaad ee Mason Greenwood.

25 jirka reer Portugal ayaa ka qeyb qaatay dhamaan kubadihii weerarka ee Manchester United, isagoo hal abuurnimo ku soo kordhiyay weerarka kooxda Shayaadiinta Cas Cas.

XIDDIGA GUUSHA KU HOGAAMIYAY MAN UNITED

Marka laga soo tago Bruno Fernandes oo ahaa xiddiga garoonka, sidoo kale waxaa Man United wacdarro u dhigay kulankii maanta daafaca bidix Luke Shaw oo xureystay garabkiisa si la mid ah Mason Greenwood oo boos qaadashadiisa iyo weliba halistiisa ay taagneyd ciyaarta oo dhan.

Dhanka daafaca dhexe Harry Maguire ayaa adkeeyay wadnaha daafaca Man Unuted halka goolhaye De Gea uu sameeyay badbaadino fiican.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Manchester United: de Gea 7, Wan-Bissaka 6, Lindelof 6, Maguire 7, Shaw 8, Fred 6, Matic 6, Greenwood 7, Fernandes 9, James 6, Martial 7.

Bedel: McTominay 6, Ighalo 6, Chong 6.

Advertisements

Watford: Foster 5, Dawson 6, Kabasele 6, Cathcart 6, Masina 6, Capoue 6, Hughes 7, Pereyra 5, Doucoure 7, Deulofeu 6, Deeney 7.

Bedel: Sarr 6, Welbeck 6, Cleverley 6.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII