“Qolka Daroogada Lagu Baaro Ayaan Isla Fadhinay Lionel Messi Oo Murugeysan” – Xiddig Liverpool U Dheela Oo Soo Bandhigay Sheeko Xiiso Leh Oo Aan Hore Loo Maqlin

Advertisements

Daafaca Liverpool Joel Matip ayaa shaaca ka qaaday inuu si aan ku talogal aheyn waqti la qaatay Lionel Messi oo xanuun murugada uu ka muudqday ka dib guuldaradii Barcelona ka soo gaartay Liverpool ee Champions League.

Xiddiga Barcelona waxaa ku dhacay qalbi jab xoogan sannad ka hor markii Reds ay soo laabasho taariikhi ah ku sameysay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa ka soo kabsatay 3-0 oo looga soo badiyay lugtii hore iyagoo 4-0 ku xasuuqay kooxda La Liga ka dhisan lugtii labaad una gudbay finalka Champions League oo ay aaqirkii ku guuleysteen.

Matip ayaa qeyb ka ahaa kooxdii habeenkaas wacdaradaha dhigtay laakiin halkii ay asxaabtiisa dabaaldegayeen waxaa loo kaxeeyay in daroogo laga baaro.

Ka dib markii uu soo galay qolkii daroogada looga baarayay waxa uu kula kulmay Lionel Messi oo aad u murugeysan.

Matip ayaa u sheegay 11Freunde: “Ciyaarta ka dib waxaan isqabsanay gacmaha anagoo taageerayaasha la qaadnay heesta ‘You’ll Never Walk Alone’.

“Taasi waxa ay aheyd mid ka mid ah waqtiyadii ugu quruxda badnaa waayaheyga ciyaareed, waxay la mid aheyd kulankeygii ugu horeeyay Schalke ee aan ku ciyaaray Munich.

“Waxba kama aanan fekereynin kaliya waxaan ahaa mid hawada duulaya ka dib markii aan la heesay taageerayaasha.”

Matip ayaa hadalkiisa raaciyay: “Markii aan tagay qolka lagu baarayay daroogada, waxaa jiray nin sii fadhiyay oo xanuun murugada uu ka muuqday waa Lionel Messi.

“Garoonka waan isku dhex aragnay laakiin ma aheyn sida aan maalin walba qol yar intaan isla fariisano koffee isla cabeynay.

Advertisements

“Qof walba waa uu dabaaldegayay, anigana waxaan qol yar la dhex fadhiyay Messi.”

Messi ayaa tan iyo markaas ku tilmaamay in habeenkaas ay aheyd waqtigiisii ugu xumaa ee waayihiisa ciyaareed.

Comments are closed.

Source: laacibfm

WARARKII