Kooxda Ac Milan ayaa heshiis cusub ku abaalmarisay xiddiga khadka dhexe ee Ismael Bennacer iyaga oo dilay rajadii Liverpool ee saxiixa xiddiga.

Ismael Bennacer ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Ac Milan inkasta oo uu xiiso ka helayay kooxo waaweyn oo ay ka mid tahay Liverpool.

Heshiiskii hore ee Ismael Bennacer ee kooxda Milan ayaa dhacayay dhamaadka xilii ciyaareedka dambe waxana lala xidhiidhinayay kooxo badan.

Laakiin Ac Milan ayaa haatan Si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga isla markaas hubisay in uu sii joogo kooxda.

Ac Milan ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Ismael Bennacer qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2027.

Heshiis kordhinta Milan ee Ismael Bennacer ayaa soo afjartay rajada Liverpool ee ahayd in ay hesho saxiixa xiddiga suuqa January.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here